Mac-hadka maamul-wanaagga iyo Maaliyadda ee IFIN oo lagusoo gabagabeey tababar lagu baranayey Hogaaminta Adeeg bulsho oo tayo leh.
Mac-hadka maamul-wanaagga iyo Maaliyadda ee IFIN oo lagusoo gabagabeey tababar lagu baranayey Hogaaminta Adeeg bulsho oo tayo leh.
Tababarkan oo lahaa laba heer ayaa inta uu socday waxaa howl-wadeenada dowladda ee ka qeeyb-galay ay ku qaateen cashiro la xiriira sida “xogta loogu cuskado marka la gaadhaayo go’aan danguud” iyo sida sare loogu qaado kalsoonida muwaadinka loogu adeegayo xarumaha dowladda.Howl-wadeenada ka qeeyb galay tababarkan ayaa ka kala socday Madaxtooyada Qaranka , Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Garyqaanka Guud, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Wasaaradda Wax-barashada, Bangigga Hormarinta Ganacsiga iyo Gobalka Banaadir. Howl-wadeenadan ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin muujinayey nuuca tababarka qaateen.