Mac-hadka IFIN oo tababar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha Dowladda
- Posted by alibashi abdi
- Categories Uncategorized
- Date March 6, 2023
- Comments 0 comment
Muqdisho: Mac-hadka Maamul Wanaaga iyo Maaliyadda ee IFIN ayaa tababar u furay qaar ka mid ah howlwadeenada hay’adaha dowladda, kaas oo lagu baranayey hogaaminta hay’adaha dowliga iyo sidii adeeg waxtar leh loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed.
Tababarkan oo socon doona muddo sedex maalin ah ayaa waxaa kasoo qeeybgalay la-taliyaal, agaasimiyaal iyo hoowlwadeeno kale oo muhiim u ah hay’adaha dowladda.
Mudada uu socon doono Tababarkan ayaa waxaa lagu wadaa in howlwadeenada ka socda hay’adaha dowliga ah ay ka faa’iideystaan aqoon wax badan ka tari doonto xirfadahooda shaqo ee dhinacyada hogaaminta iyo tayeenta adeegyada lasiinayo dadweyanaha.
Gudoomiyaha Mac-hadka IFIN Mudane Cumar Jaamaca Axmed ayaa sheegay in Mac-hadku uu xooga saarayo sidii uu shaqaalah kala duwan ee dowladda u heli lahaayeen aqoon dhinac fahamka iyo gudashada howlaha dowladda, taas oo ah sababaha loo aas aasay Mac-hadkan.
Munaasabadda lagu daah furayey tabaabrkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Gudoomiyaha Shaqaalaha rayidka Xasan Abshir Maxamed.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Xaange ayaa sheegay in hamiyad badan oo tababarkani u leeyahay howlo badan oo horyaala hay’adaha dowliga, waxaana uu ku amaanay maamulka mac-hadka sida ay muhiimadda u siinayaan hormarinta aqoonta dowliga ee shaqaalaha dowladda.
Mac-hadka Maamul Wanaaga iyo Maaliyadda ayaa ka mid ah Xarumaha loo diyaariyey in kor loogu qaado aqoonta iyo fahamka dowladnimada ee shaqaalaha kala duwan dowladda Soomaaliya.
Next post