Mac-hadka IFIN oo tababar usoo xiray shaqaalo ka tirsan dowladda Soomaaliya
Muqdisho-: Mac-hadka Tababarka Maamul Wanaaga iyo Maaliyadda ee IFIN ayaa tababar usoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo la barayey Hogaaminta hay’adaha dowliga iyo bixinta adeeg leh waxtar Bulsho.
Tababarkan oo socday muddo sedex maalin ayaa loogu talagalay in kor loogu qaado aqoonta howl-wadeenada Ha’adaha dowladda, si loo hormariyo hufnaanta adeega dowladu siiso dadweynaha.
Munaasaada lagu xirayey Tababarkan oo lagu qabtay xarunta Mac-hadka waxaa kasoo qeeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Gudoome ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir iyo Masuuliyin kale. Inkabadan 25 isugu jira Shaqaale, La-taliyaal, iyo madax qeyboodyo ka kala socday qaar ka mid ah Wasaraadaha iyo Maamulka Gobalka Banadir ayaa ka faa’iideystay intii usocday tabarkan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa sheegay in tababarkani uu muhiim u yahay xiligan hay’adaha dowaladda si loo harmariyo dowladnimada.
“Mac-hadkan waxaa loo aas-aasay in lagu hormariyo xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha guud ee dowladd, si loo hormariyo in bulshada lagaarisiiyo adeeg wax tar leh” sidaas waxaa yiri Cumar Jaamac Axmed Gudoomiyaha Ma-hadka IFIN.
Ciise Guure Maxamuud Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka iyo Maaliyadda oo goob joog ka xiritaanki tababarkan iyo bixinta shahaadooyinka ayaa talaabo wanaasagn ku tilmaamay dadaalka Mac-hadka wado.
Mac-hadka Maamul Wanaaga iyo Maaliyadda ayaa ka mid ah Xarumaha loo doyaariyey in kor loogu qaado aqoonta iyo fahamka dowladnimada, sidoo kalan lagu hormariyo xirfadaha dhinaca Maamulka Maaliyadda Soomaaliya.